Mikel Arteta Oo Fariin U Diray Aaron Ramsdale Kadib Markii Uu Kaydka Kulankii Everton

0
101

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa u sheegay Aaron Ramsdale in uu ka filayo fal celin wanaagsan kadib markii uu kaydka dhigay Goolhayaha Kulankii Everton ee premier League.

Goolhayaha ayaa ahaa dookha 1-aad ee Arsenal tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray sanadkii 2021.

Xaqiiqada ayaa ah in aanu Ramsdale samayn wax khalad ah bilowgii xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu booskiisa u waayay David Raya.

Mikel Arteta ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu Ramsdale si fiican uga fal celiyo booskiisa uu u waayay David Raya kulankii Everton.

“Si la mid ah Jesus, Havertz iyo Tomiyasu waxa aan rajaynayaa in uu Ramsdale si fiican uga fal celiyo booskiisa uu lumiyay”ayuu arteta yidhi.

“Xaqiiqdii waa isku mid. Waxaan ku ciyaareynaa 11 ciyaaryahan. Kuma ciyaarno 10 lagu daray hal, ama mararka qaarkood sagaal. Waxaan ku ciyaareynaa 11 ciyaaryahan. Runtii waa isku mid”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here