Mid ka mid ah xiddigaha Manchester United oo qarka u saaran inuu ku biiro Kooxda AC Milan

0
271

Manchester(Idaacadda Waamo)-Difaaca Kooxda Manchester United ee Diogo Dalot ayaa la soo warinayaa inuu qarka u saaran yahay inuu ka tago Red Devils oo uu heshiis amaah ah ugu biiro naadiga AC Milan.

Daafaca garabka bidix ee Manchester United, Diogo Dalot ayaa ku dhow inuu heshiis amaah ah ugu dhaqaaqo Milan, waxaana uu kooxda Serie A tijaabada caafimaad ugu mari doonaa Talyaaniga.

Sida uu warinayo Suxufiga sida weyn uga warrama suuqa kala iibsiga ee Di Marzio, 21-sano jirkaan ayaa u safri doona garoonka San Siro berri oo Axad ah si uu u dhammaystiro ku biirista kooxda Milan oo uu tijaabada caafimaad u maro.

Dalot oo ku soo biiray Man United sanadkii 2018-kii, laakiin kaliya waxa uu u saftay 35 kulan tartammada oo dhan labo xilli ciyareed oo uu kooxdan u sugnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here