“Messi waligiis ma joogi doono… Griezmann waa mustaqbalka Barcelona” – Olivier Giroud

0
280

Yurub(Idaacadda Waamo)-Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Olivier Giroud ayaa xaqiijiyay aragtidiisa ku aadan in Lionel Messi uusan waligiis sii joogi doonin Barcelona.

Dhinaca kale Olivier Giroud ayaa carabka ku adkeeyay in xiddiga ay dhalashada wadaagaan ee Antoine Griezmann uu yahay mustaqbalka kooxda reer Catalonia ee Barcelona.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Olivier Giroud, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Way cadahay in Griezmann uusan dooranin wadada ugu fudud ku biiritaankiisa koox weyn sida Barcelona, tani waa horumar ku saabsan xirfadiisa, ma jiraa qof diidi kara taas?”.

“Dabcan, la qabsiga ma ahan wax fudud, gaar ahaan maadaama aad la ciyaareyso ciyaaryahan weyn sida Messi oo kale”.

“U ciyaarista Barcelona waa tartan adag, laakiin wuxuu awoodaa inuu la dhaqmo xaalada, sidoo kale waa mustaqbalka kooxda, sababtoo ah Messi waligiis ma sii joogi doono”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here