Messi Iy Kooxdiisa Oo Bar-Baro Ku Bilowday Koobka Kooxaha Adduunka

0
45

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Al Ahly ee dalka Masar ayaa barbaro goolal la’aan 0-0 ah la gashay dhigeeda dalka Mareykanka ee Inter Miami, ciyaartii furitaanka koobka kooxaha aduunka ee Axadii ka dhacday garoonka Hard Rock Stadium, iyadoo koox walba ay dhibic ka heshay bilawga tartanka.

Ciyaaryahanka Al Ahly Mahmoud Trezeguet ayaa ka qasaariyay rigoore ka hor dhamaadka qeybta hore ee ciyaarta, taasoo keentay in kooxda Masar ay ku gacan sareyso, iyadoo goolhayaha Inter Miami Oscar Ustari uu ka badbaadiyay.

Al-Ahly ayaa kulanka labaad ee Group A la ciyaari doonta kooxda reer Brazil ee Palmeiras, halka Inter Miami ay wajihi doonto kooxda Porto ee reer Portugal.

Kooxda ku guulaysata Group-yada iyo kaalmaha labaad ayaa u gudbi doona wareega 16-ka tartankan oo markii ugu horaysay loo qabto qaab balaadhin ah oo ay ka qayb galayaan 32 kooxood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here