Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Bryan Mbeumo ayaa sharaxay go’aankii uu ku diiday Tottenham ka dib markii Manchester United ay ku dhawaaqday inay 71 milyan kula soo wareegtay xiddiga.
Spurs, oo uu maamulo tababarihii hore ee Brentford Thomas Frank, ayaa dooneysay inay lasoo saxiixato 25-jirka garabka ka ciyaara suuqii xagaaga.
Laakiin United ayaa ku guuleysatay tartanka loogu jiro xiddiga heerka caalami ee dalka Cameroon, kaasoo saxiixay qandaraas shan sano ah.
Red Devils ayaa Brentford ka siisay 65 milyan oo euro iyo 6 milyan oo guno ah iyaga oo kula soo wareegay Mbeumo oo dhaliyay 20 gool Premier League 38 kulan xilli ciyaareedkii hore.
Mbeumo ayaa u sheegay website-ka United inuusan diidi karin fursad uu ugu biiro kooxda weyn ee uu taageeri jiray yaraantiisii.
“Isla markii aan ogaaday inay jirto fursad aan ugu biiro Manchester United, waa inaan ka faa’iidaysto fursada aan ugu saxiixo kooxda riyadeyda”.
Tani waa koox weyn, oo leh garoon cajiib ah iyo taageerayaal cajiib ah, waxa iga go’an in aan u tartano koobabka waa weyn”.