Maxkamadda Brazilian Supreme Court oo ugu dambeyn go’aan cad ka qaadatay inuu tartanka Copa America ka dhaco dalka Brazil

0
226

Brazil(Idaacadda Waamo)-Waxaa ugu dambeyn soo idlaaday shakigii hareeyay in tartanka Copa America uu ka qabsoomo dalka Brazil kaddib markii ay qaar ka mid ah xiddigaha xulka Jaalleyaasha tartanka uga qayb galaya ay dood ka keeneen in tartanka uu ka qabsoomo dalkooda.

Tartanka xulalka Koonfurta Ameerika oo loo jadwaleeyay inuu Brazil ka bilawdo Axadda ayaa u dhici doona sidii loo qorsheeyay sida ay xaqiijisay Maxkamadda ugu sarreysa dalkaas ee Brazilian Supreme Court.

Maxkamadda ayaa sheegtay inuusan dastuurka u ogolaaneyn inay hor istaagaan tartankan, waxaana taas baddelkeed ay soo jeediyeen in maamullada magaalooyinka tartanka lagu ciyaarayo ay dajiyaan xeerar iyo shuruuc ay ku xakameynayaan faafista xanuunka Korona Fayras.

Dhinaca kale, xulalka tartanka ciyaaraya ayaa lagu amray inay baaritaan la xiriira Koofid19 mariyaan xiddigahooda 48-saac walba si loo hubiyo xaaladdooda caafimaad.

Tartankan ayaa laga soo raray xagaagii hore ee 2020 kaddib markii uu xanuunka Korona xannibay guud ahaan kubadda cagta isagoo xilligaas loo jadwaleeyay in lagu qabto dalalka Argentina iyo Colombia inay si wada jir ah u marti geliyaan kubadda cagta.

Bishii May 20-keeda ayaa Colombia laga wareejiyay marti-gelinta tartankan kaddib xasillooni darro siyaasadeed oo dalkaas ka curatay, halka Argentina ay laga wareejiyay marti gelinta tartankan 30-kii May iyadoo ay u wacan tahay xanuunka Koofid oo dalkaas kuu xoogeystay, waxaana – sidaas darteed – xiriirka kubadda cagta Koonfurta Ameerika ee CONMEBOL uu marti-gelinta tartanka siiyay dalka Brazil oo sanadkii 2019 tartanka marti geliyay.Si kastaba ha ahaatee, xiddigaha Brazil ayaa kasoo horjeestay in tartanka lagu qabto dalkooda iyagoo ku doodaya inay dadkooda la tacaalayaan xaalado xanuunka Korona la xiriira oo la mid ah tan ka taagan Argentina taasoo shaki badan gelisay inuu tartanka ka bilawdo Brazil.

Balse haatan, maxkamadda ugu sarreysa dalkaas ayaa go’aan ku gaartay inuu tartanka ka dhaco dalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here