Maxi Allegri Oo Ogolaaday In Uu Tababare U Noqdo Koox Weyn Oo Serie A-da ah

0
330

Kismaayo(Idaacada Waamo) Tababarihii Hore ee Juventus Maxi Allegri ayaa Lagu Soo Sheegayaa inuu ogolaaday in uu Tababare u Noqdo Koox Weyn oo Reer Italy ah Sida ay Sheegayaan Wararku.

Allegri ayaa Horay Loola Xiriirin Jiray Inuu Premier League usoo Dhaqaaqayo intii uu Tababaraha u ahaa Kooxda Marwada Duqda ee Juventus.

Tababare Allegri ayaa isaga Hayaamay Shaqada Juventus Dhamaadkii Xilli Ciyaareedkii Hore Kadib Markii uu Kooxda Reer Italy Kula Guuleystay 5 Horyaal oo Serie A ah oo Xiriir ah.

Laakiin Waxa Kaloo Jiro Wararka Hoose oo Aan La Hubin oo ah Inuu Dib Ugu Laaban Doono Kooxdiiisi Hore ee Juventus ee uu Shanta Sano Kusoo Qaatay Kadib Markii Cadaadis La Saaray Tababaraha Iminka Hogaamiyo ee Maurizio Sarri.

Kooxda Ac Milan ayaa Sidoo Kale Lala Xiriirinayaa tababare Allegri Laakiin Wargayska Corriere Dello Sport ayaa Sheegaya in uu Tababarahan 52-Sano Jirka ah Haatanba Heshiis La Meel Dhigay Koox Weyn oo Reer Italy.

Kooxda Ac Milan Ayuu Mudo 4 Sano ah Kusoo Qaatay Maxi Allegri Intii Udhexeysay 2010-2014 wuxuu Kula Guuleystay 1 Koob oo Serie A ah Iyo 1 Koob oo Supercoppa Italiana

Ilaa Haatan Lama Oga Kooxda ay Tahay kooxda uu Tababare Rasmi Unoqon Doono Allegri Laakiin Kooxda Man United ayaa Si Weyn Loola Xiriirinayaa Tababarahan.

Kooxda Man United ayaa Ku adkeysanaysa in Tabbaraha Haatan Hogaamiya ee Ole Gunnar Solskjaer In La Siin Doono Wakhti Ku Filan oo uu Ku Dhiso Kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here