Maxaa ka jira inuu Pogba go’aan ka gaaray halka uu dhaqaaqi doono?

0
237

Manchester(Idaacadda Waamo)-Xiddiga Manchester United khadka dhexe uga ciyaara ee Paul Pogba ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa isagoo doortay inuu bilaash kaga hayaamo Old Trafford marka uu dhammaado qandaraaskiisa.

Sida laga soo xiganayo wargeyska Daily Star, Pogba ayaa go’aansaday inuu xilli ciyaareedkan baaqi kusii ahaado Man United isla markaasna uu dhammeysto qandaraaskiisa kaddibna uu isagoo xor ah ku biiro Real Madrid xagaaga dambe.

Heshiiska kubbad qaabeeyaha Faransiiska ah ayaa dhici doona 30-ka bisha June ee sanadka dambe, waxaana sida wararka Ingiriiska ka imaanaya ay sheegayaan uu sanadka dambe ku biiri doonaa Los Blancos oo uu horey u sheegay inuu ku taammayo u ciyaaristeeda.

28-sano jirkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah la kowsaday xilli ciyaareedkan isagoo afar gool caawiyay kulankii Leeds ee Sabtidii, markaas oo ay Red Devils 5-1 kaga adkaatay kooxdii martida u ahayd ciyaartii toddobaadka koowaad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2021-22.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here