Mauricio Pochettino Oo Sheegay Kooxda Uu Tababaraha U Noqon Doono Wakhtiga Soo Socda

0
465

Kismaayo(Idaacada Waamo) Tababarihii Hore ee Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa Shaaca Ka Qaaday inuu Tababare Mauricio Pochettino Diyaar u yahay in uu Noqdo Tababaraha Koox Walba Dalab Kasoo Gudbisa Xilli uu isku Diyaarinayo inuu Kusoo Laabto Shaqada Tabaabranimo Markii ugu Horaysay Tan ilaa Markii Laga Cayriyay Shaqada Kooxda Tottenham Bishii November.

Tababare Pochettino ayaa Laga Cayriyay Shaqada Tottenham Bishii November ee Sanadkii Hore 2019 iyada oo Lagu Badalay Jose Mourinho Kaas oo Hogaaminaya Haatan Kooxda Tottenham H.

Pochettino ayaa Si Weyn Loola Xiriirinayaa Kooxda Man United Muddo Dheer iyada ay Red Devils si aad ah u Doonayso Saxiixa Tababaha Gaaray Finalka Champions League Geeyay Tottenham Xilli Ciyaareedkii Hore.

Tababarihii Hore ee Arsenal Unai Emery oo Dhankiisa Shaqada Laga Cayriyay Bilowgii Xilli Ciyaareedkan ayaa La Kulmay Tababarihii Hore ee Tottenham ee Mauricio Pochettino.

“Waxa aan Waydiiyay “Halkeed ayaan Ka Fakiraysaa inaad Tabaabre Ka Noqoto Haatan? Waxa uu iigu Jawaabay Meel Walba oo lLa iga Doonayo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here