Masuuliyiinta Wasaaradda Caddaaladda Jubbaland oo kormeer sameeyay.

0
382

Kismaayo(Idaacada Waamo)Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda,Garsoorka iyo Arimaha Diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda ayaa kormeer ku sameeyay  qaar kamid ah dugsiyada Qur’aanka lagu barto ee Kismaayo waa kormeerkii labaad oo ay sameyaan xubno uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Garsoorka iyo arimaha diinta Jubbaland oo ay kamid ahaayeen Agaasimaha guud ee wasaaradda iyo Agaasime waaxeedyada wasaaradda Caddaaladda Garsoorka iyo arimaha diinta Jubbaland.

Ujeedka kormeerkooda ayaa salka ku haya dhagaysiga baahiyaha kajiro xurumaha dugsiyada Qur’aanka ee Kismaayo Si ay wasaaraddu u la kaashato hey’adaha kala shaqeeyo dhinacayada  horumarinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here