Mas’uuliyiin kormeer ku tagay Maxjarka Xoolaha Jubbaland

0
32
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasiirka wasarada Xananada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Jubbaland mudane Maxamed Nuur Cali oo ay wehliyaan agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdullahi Cali Faarax iyo qaar kamid ah howl-wadeenada Wasaaradda ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Maxjarka xoolaha Jubbaland, kaasi oo ay ku xareysan yihiin Lo’ aad u tira badan dhawaana la filayo in loo dhoofiyo dalka dibadiisa.
Ujeedka kormeerka shaqo ee Wasiirka iyo Agaasimaha ayaa ahaa in ay u kuur galaan howlaha shaqo ee kasocda Maxjarka waxaa ayna warbixin kooban ka dhageysteen Gudomiyaha Maxjarka xoolaha ee Jubbaland Cabdicasis Bashiir.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here