Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubbaland oo kormeertay Goob laga Samaynayo Labo Kanaal oo Cusub

0
158

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka dowlad goboleedka Jubbaland iyo wafdi uu hor kacaayey ayaa kormeer ku tagay Goob looga talagalay in sameeyo labo kanaal oo cusub kuwaa oo ay intifaacsan doonaan dadka kunool deegaanada qaamqaam iyo yoontooy.

Labadan kanaal ee cusub ee laga hirgalin doono deegaanada deegaanada qaamqaam iyo yoontooy ayaa waxay wax ka badali doonaan dad badan oo beeraley ah kuwaas oo ku dhibanayaa iney si fudud ku helaan biyaha wabiga iayadoona labadan kanaal ay wax badan u tari doonaan dadka kunool Deegaanada deegaanada qaamqaam iyo yoontooy.

 

Cowke Cali Cawil,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here