Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wadada isku xirta Magaalada Kismaayo iyo Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose oo uu dhismeheedu socdo ayaa waxaa maanta gormeer ku sameeyay Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowlad goboledka Jubbaland.
Dhismaha wadadaan oo muhiim u ah isku socodka Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow ayaa ku yimid isku tashi bulsho waxaa uuna hada Marayaa meel Wanaagsan.
Hamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.