Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradaha Caddaaladda iyo Caafimaadka Jubbaland oo booqday xabsiga dhexe Kismaayo

0
10

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Mas’uuliyiin sare oo ka socday Wasaaradaha Caddaaladda iyo Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Xabsiga Dhexe ee magaalada Kismaayo. Booqashadan ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan ururka Dhaqaatiirta Jubbaland.

Ujeeddada booqashadan ayaa ahayd qiimeyn iyo kormeer ku saabsan xaaladda guud ee maxaabiista, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, nadaafadda, iyo xuquuqda aasaasiga ah ee maxaabiista. Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale la kulmay maamulka xabsiga si ay ugala hadlaan baahiyaha taagan iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada la siiyo dadka xiran.

Juweeriya Hassan Ahmed ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here