Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Maxjarka xoolaha ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu xannaaneeya xoolaha loo diyaariyo in laga dhoofiyo Dekadda wayn ee Magaalada Kismaayo waxaana ka hor inta aan xoolaha la dhoofin la hubiyaa Caafimaad kooda.
Wasiirka Wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa dowlad goboledka Jubbaland iyo masuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa maanta kormeer indha indhay ah ku tagay Maxjarka xanaanada xoolaha oo xiligaas ay ku jireen in kabadan 2.300 oo neef oo Lo,ah ku waas oo isla maanta laga dhoofiyay Dekadda Kismaayo booqashada maxjarka ka dib masuuliyiinta ayaa booqday Dakadda oo laga dhoofinayay Lo’da.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.