Manchester(Idaacadda Waamo)-Ciyaaryahanka kooxda Manchester United ee Mason Greenwood ayaa xaqiijiyay inuu doorbidayo Lionel Messi, marka loo fiiriyo Cristiano Ronaldo.
Doorashada Mason Greenwood ayaa waxay timid kaddib markii la weydiiyay su’aal ku saabsaneyd kan fiican labadan xiddig ee soo xakameeyay kubadda cagta adduunka sanadihii la soo dhaafay.
Haddaba sida uu qoray wargeyska “Mirror” ee dalka England Mason Greenwood ayaa ka jawaabay kaddib su’aal la weydiiyay ee ku saabsaneyd kan fiican xiddigaha Messi iyo Ronaldo, wuxuuna yiri:
“Messi ama Ronaldo? Jawaabta markasta waxay noqon doontaa Messi, wuxuu ka yimid duunyo kale.”
“Cristiano Ronaldo sida muuqata waa cajiib, jir ahaan waa xoogan yahay, waa ciyaaryahan cajiib ah, laakiin in la sameeyo waxa uu sameeyay Messi, iyo waxa uu qabtay Barcelona, iyo ku guuleysiga Copa America ee Argentina, waa heer ka duwan kan kale.” Ayuu yiri Greenwood.