Mareykanka oo joojiyay fiisayaasha shaqada ee darawallada gaadiidka xamuulka

0
10

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u shaacisay in la joojiyay bixinta dhammaan fiisayaasha shaqada ee darawallada gaadiidka xamuulka.

Go’aankan ayaa waxaa ku dhawaaqay Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio, kaas oo sheegay in talaabadu ay tahay mid lagu difaacayo darawalada Maraykanka isla markaana lagaga hortagayo khatarta amni ee ka imaan karta darawalada ajaaniibta ah.

Rubio ayaa tilmaamay in tirada sii kordheysa ee darawallada shisheeye ee kaxeeya gaadiidka waaweyn ee gudaha Mareykanka ay khatar ku tahay nolosha shacabka Maraykanka, isla markaana ay dhaawac ku tahay nolol-maalmeedka iyo shaqooyinka darawallada gudaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here