Mareykanka iyo Taliban oo heshiis kala saxiixanaya

0
400

Doha(Idaacada Waamo)Dowladda Maraykanka iyo Ururka Taliban ayaa goor dhow saxeexaanaya heshiis nabadeed oo astaan u noqon kara dhammaadka dagaalkii ugu dheeraa, kaasi labo sano oo wadahadalo ah ka socday caasimada Qadar ee Doha.

Munaasibadda heshiiska ayaa ka dhacaysa Magaalada Doha ee Dalka Qadar, waxaana la rajeynayaa Qadar in ay dejiso marxaladda ka bixitaanka ciidamada Mareykanka iyo wadahadalada u dhaxeeya Afghanistan iyo mareykanka si loo go’aamiyo mustaqbalka dalka, iyadoo Diblomaasiyiin ka kala socota wadamada Afghanistan, Mareykanka, India, Pakistan iyo dalal kale oo ka tirsan UN-ka ayaa wadahadalo bilaabay maanta, ayna ku wehliyaan wakiilo ka socda Taliban, kuwaasoo ku shiraya hoteel Sheraton ee Doha.

Jimcihii, Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa hadal uu jeediyay ku booriyay dadka reer Afgaanistaan inay ka faa iideystaan fursadda nabadda iyo mustaqbal cusub oo dalkooda ah.

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa goob joog ka noqon doona saxiixa Doha, halka Xoghayaha Difaaca Mark Esper la filayo inuu soo saaro bayaan wadajir ah oo ay kula jirto dowlada Afghanistan ee Kabul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here