Marcus Rashford oo guul ku hoggaamiyay Man United kaddib markii ay ka adkaadeen Wolverhampton

0
356

Manchester(Idaacadda Waamo)-Marcus Rashford ayaa guul ku hoggaamiyay Manchester United kaddib markii ay kaga adkaadeen 1-0 kooxda Wolverhampton oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Manchester United iyo Wolverhampton ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90+3-aad kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay xiddigooda reer England ee Marcus Rashford, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Bruno Fernandes

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-0 oo ay Manchester United kaga adktaatay kooxda Wolverhampton oo martid ugu aheyd garoonka Old Trafford, United-ka ayaa soo fariisatay kaalinta 2-aad ee dhanka miiska kala sareynta horyaalka Premier League, iyaga oo leh 30 dhibcood, waxayna 2 dhibcood kaliya u jiraan hoggaamiyaasha Liverpool oo uruursaday 32 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here