Manchester United oo Liverpool kula tartameyso Laacib qadka dhexe uga ciyaara

0
383

Manchester(Idaacadda Waamo)Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay qorsheynayso inay xagaagan u dhaqaaqdo laacibka khadka dhexe ee naadiga Bayer Leverkusen ee Kai Havertz, kaasoo sidoo kale bartilmaameed u ah Liverpool.

20-sano ayaa 20 gool u dhaliyey kooxdiisa Leverkusen tartammada oo dhan intii lagu guda jiray kal ciyaareedkii 2018-19, markale ayuuna xilli ciyaareedkan qaab ciyaareed sare soo bandhigay, isagoo dhaliyay 10 gool, isla markaana diiwaangeliyay siddeed caawin 34 kulan oo uu saftay.

Liverpool ayaa weli sii wadata xiriirka ay la sameynayso ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka, kaasoo dhawaan shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu qaado tallaabo weyn oo mustaqbalkiisa ah, isagoo si maldahan u sheegay bixitaankiisa xagaagan.

Si kastaba ha noqotee, sida ay warinayso Jariiradda Evening Standard Man United ayaa ku dartay Havertz liiskooda xagaaga, iyadoo kooxda 20-ka goor hanatay horyaalka Ingiriiska ay raadineyso hal abuur badan oo khadkeeda dhexe ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here