Manchester United oo kusoo biirtay loollanka loogu jiro saxiixa Matthijs de Ligt

0
117

Kismaayo (Idaacadda Waamo) -Wararka ka imaanaya dalka Taliyaaniga ayaa sheegaya inay kooxda kubadda cagta Manchester United kusoo biirtay raacdada loogu jiro la saxiixashada difaaca naadiga Juventus eeย Matthijs de Ligt kaasoo sidoo kale bartilmaameed u ah kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich.

Inkastoo labo sano iyo bar ay ka harsan tahay muddada uu dhacayo qandaraaska 22-sano jirka difaaca dhexe ka ciyaara, haddana wakiilkiisa Mino Raiola ayaa dhowaan daaha ka rogay inuu De Ligt doonayo ka tagista Bianconeri.

Barca iyo Bayern ayaa lala xiriirinayaa xiddiga reer Netherlands, balse waxaa doonistiisa haatan kusoo biirtay Man United sida laga soo xigtayย Calciomercato.

Si kastaba ha ahaatee, Red Devils ayaa xiddigan dooneysay xagaagii 2019 markaas oo uu ku biiray Juve, waxayna haatan dooneysaa inay xagaaga kusoo darto safkeeda maadaama la filayo inay kooxda ka tagaan Phil Jones iyo Eric Bailly.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here