Manchester United oo guul ka gaartay Real Sociedad.

0
307

Spain(Idaacadda Waamo)-Kooxda Manchester United oo la ciyaartay kooxda reer spain ee Real Sociedad kulan ka tirsan kulumada Europe League wareegiisa 32-aad.

Manchester United ayaana kulankan kubad fiican kusoo bandhigtay garoonka Allianz Stadium xidiga iyadoo Bruno Fernandes uu dhaliyay labo gool kamid ah afarta gool ee kooxda daqiiqadihii 27-aad iyo 57-aad ee ciyaarta ka hor inta aysan labada gool ku darin Marcus Rashford iyo Daniel James qeybta danbe daqiiqadihii 65-aad iyo 90-aad ee ciyaarta.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaaatay 0-4 oo ay Manchester United kaga adkaatay Real Sociedad oo ay ku booqatay garoonka Allianz, kulankii lugta hore wareega 16-ka ee tartanka UEFA Europa League.

Manchester United ayaana lugta labaad garoonkeeda ku soo dhaweyndoonta kooxda Real Sociedad taariikh-da marka ay tahay 25-ka bishan February oo ku beegan khamiis soo socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here