Manchester United oo Dhamaystirtay Saxiixeedii ugu horeeyay ee Suuqa Xagaagan

0
54

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Manchester United ayaa dhamaystirtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaagan, waxayna dhamaystirtay saxiixa xiddiga kooxda Bologna ee Joshua Zirkzee kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa.

Kooxda Manchester United ayaa bixin doonta wax ka badan 40 milyan oo euro kadib markii ay heshiis la gaareen kooxda Bologna oo ay ka qaadanayaan xiddiga Joshua Zirkzee.

Zirkzee ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo ku eg ilaa sanadka 2029 iyo hal sano oo dheeri ah, Joshua Zirkzee ayaa noqonaya saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Man United xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here