Manchester City vs Real Madrid Shaxda ay ku soo geli karaan

0
382

Manchester(Idaacadda Waamo)Kooxda Real Madrid ayaa indhaha ku haysta inay soo laabasho sameyso kaddib markii looga adkaaday 2-1 lugtii hore, marka ay caawa garoonka Etihad kula ciyaareyso Manchester City lugta labaad wareegga 16-ka Champions League.

Man City ayaa duubtay guul cajiib ah markii ay labadaan kooxood ay kuwada kulmeen garoonka Bernabeu bishii Febraayo, taasoo la micno ah inay Real Madrid u baahan tahay inay wax badan qabto haddii ay doonayaan inay markale u gudbaan wareegga siddeed dhammaadka tartankan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA Champions League

Taariikhda: Jimce 7 Agoosto 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Etihad Stadium

Garsooraha: Felix Brych (Germany)

Wararka Kooxaha:-

Benjamin Mendy ayaa ka ganaaxan Kooxda Manchester City, waxaana la arkaa in booska garabka bidix ee daafaca uu ku soo bilowdo Oleksandr Zinchenko, inkastoo Joao Cancelo uu yahay dooq kale oo uu haysto tababare Pep Guardiola.

Sergio Aguero ayaa garoomada kaga maqan dhaawac jilibka ah, sidaasi darteed waxaa weerarka Sky Blue hoggaamin doona kulanka caawa Gabriel Jesus, sidoo kale Bernardo Silva ayaa ciyaari kara sagaal beenaad.

Saxiixyada cusub Ferran Torres ee Nathan Ake ayaa u ciyaari doonin kooxda Manchester City kulanka caawa.

Kabtan Sergio Ramos ayaa ganaax ku seegaya kulankan kaddib markii uu kaarka cas qaatay kulankii lugta hore, waana dhibaatada ugu weyn ee caawa haysata Los Blancos, inkastoo uu safarkooda qeyb ka yahay oo uu soo xaadiri doono caawa garoonka Etihad haddana daawade ayuu ka ahaan doonaa kulan.

Eder Militao ayaa buuxin doona booska uu ka maqan yahay kabtan Ramos, waxaana uu daafaca dhexe kala garab ciyaari doonaa Raphael Varane.

Marcelo ayaa la qiimeyn doonaa xaaladdiisa, iyadoo Ferland Mendy uu safan karo kulankan, halka Mariano uusan ciyaari doonin kulankan kaddib markii laga helay faafaha Karoona.

Midkoodna Gareth Bale iyo James Rodriguez lama safrin kooxda Los Blancos inkastoo ay taam yihiin, mana ciyaari doonaan kulanka caawa.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Kani waa kulankii saddexaad ee tartanka Champions League ku dhexmara garoonka Etihad Kooxaha Manchester City iyo Real Madrid, labadii kulan ee hore ayaana ku soo dhammaaday barbaro (1-1 heerka guruubyada kal ciyaareedkii 2012-13 iyo 0-0 afar dhammaadkii lugta hore ee fasal ciyaareedkii 2015-16).

>- Real Madrid ayaa guuleysatay shan ka mid ah 11-kii kulan ee Champions League ay ku ciyaareen England, waxaana ay haystaan (5 guul, 3 barbaro iyo 3 guuldarro), iyagoo garaacay afar koox oo kala duwan; (Man Utd, Leeds United, Liverpool iyo Spurs). Labada koox ee kaliya kuwaasoo garaacay  ka badiyay shan koox oo Ingariis ah Champions League iyagoo booqday waa Bayern Munich (5) iyo Barcelona (7).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here