Manchester City oo Juventus iyo AC Milan kula tartamaysa saxiixa laacib ka ciyaara horyaalka Serie A

0
286

Manchester(Kismaayo(Idaacadda Waamo)- Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la soo warinayaa inay saxiixa laacib ka ciyaara dalka Talyaaniga kula tartamaysa Juventus iyo AC Milan.

Kooxaha Juventus iyo AC Milan ayaa si la mid ah Manchester City aad u doonaya saxiixa lacibkan khadka dhexe ee Manuel Locatelli.

Wargeyska Daily Mail ayaa warinaya in Manchester City ay bartilmaameedkeeda ugu sarreeya ka dhigatay laacibka khadka dhexe ee Sassuolo, Manuel Locatelli.

23-sano jirkaan ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee ugu sarreeya horyaalka Serie A, Juventus iyo kooxdiisii hore ee AC Milan ayaana sidoo kale xiiseynaya inay u dhaqaaqaan soo xero-gelintiisa.

Locatelli ayaa la filayaa inuu ku kaco ugu yaraan adduun dhan 30 milyan oo gini oo u dhiganta 34 milyan oo euro ama 41milyan oo dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here