Manchester City oo guul weyn ka Gaartay Liverpool.

0
288

Manchester(Idaacadda Waamo)-Kooxda Manchester City ayaa ka badisay Kooxda Liverpool kulan ka tirsan Horyaalka Premier oo ku dhamaaday 4-1 kaas oo ay hogaanka Horyaalka kusii Dheereysteen.

Goolasha waxaa ka Saaciday kooxda Manchester City xidigaha ,Ilkay Gundogan oo dhaliyay Labo Gool Daqiiqadihii 49-aad iyo 73-aad ee Ciyaarta iyo labo Gool ay ku dareen Raheem Sterling iyo Phil Foden Daqiiqadihii 76-aad, 83-aad ee ciyaarta halka Goolka Liverpool uu u dhaliyay Salah kaasi oo rigoore ahaa.

Guuldarada kooxda Liverpool waxaa xalay sabab weyn u ahaa Goolhayaha kooxda ee Alisson Becker kaas oo laba gool qaladkooda lahaa .

Guusha Manchester City ee Kulankan ayaa ka caawineysa in ay 5 dhibcood ku qabtaan Hogaanka Horyaalka iyagoo leh 50 dhibcood halka Liverpool ay leedahay 40 dhibcood halka kooxda kusoo xigta ee Man United ayaa iyagana Leh 45 dhibcood.ImageImage

Image

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here