Manchester City oo albaabada u furtay bixitaanka mid ka mid ah xiddigaheeda

0
205

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Shabakada caalamiga ah ee Goal ayaa sheegtay in Manchester City ay albaabada u furtay bixitaankii daafaca reer Holland ee Nathan Ake intii lagu jiro suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

Manchester City ayaa Nathan Aké oo 27 jir ah, xagaagii 2020, kala soo wareegtay Bournemouth, ku dhawaad 45 million euros.

Shabakada ayaa tilmaamtay in maamulka Manchester City ay u sheegeen Nathan Ake inuu ka tagi karo kooxda hadii uu doonayo xagaagan.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Newcastle United ay doonaysay inay la soo wareegto xiddiga heerka caalami ee dalka Holland ee Ake kaddib codsi gaar ah oo ka yimid tababare Eddie Howe, kaasoo ay ka soo wada shaqeeyeen Bournemouth.

Waxaa xusid mudan in Nathan Ake uu 27 kulan kala qeyb qaatay Manchester City xilli ciyaareedkii la soo gabagabeeyay, isagoo dhaliyay seddex gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here