Man United vs Liverpool – Isku aadka wareegga afaraad ee tartanka FA Cup-ka oo la sameeyey

0
272

England(Idaacadda Waamo)-Waxaa la sameeyey isku aadka wareegga afaraad ee tartanka FA Cup-ka, iyadoo ay isku beegmeen kooxo waa weyn oo ay ka soo baxeen kulammo daawasho leh.

32-ka kooxood ee u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka FA Cup-ka ayaa la isku aadiyey, iyagoo ku kala bixi doona min hal ciyaar oo kaliya, isla markaana aysan jiri doono kulammo ku celis ah.

Kooxaha ay kulammadoodu 90-ka daqiiqo ku dhammaadaan garbo siman ama gar isku mid ah ayaa loogu dari doonaa 30-daqiiqo oo lagu kala saarayo haddii ay ku kala bixi waayanna daqiiqadahaas lagu kordhiyey, waxa ay toos u aadi doonaan gool ku laadyo.

Kooxaha Manchester United iyo Liverpool ayaa la isku beegay waxaana ay kulankan garoonka Old Trafford ku wada ciyaari doonaa 23-ka bishaan Janaayo, kaliya maalmo yar kaddib marka ay wada ciyaaraan kulankooda horyaalka Premier League.

Labadan kooxood ayaa ku ballansan garoonka Anfield Axadda soo aaddan, iyagoo ku dagaali doona horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here