Man United Oo War Xun Ka Heshay Xaalada Harry Maguire

0
58

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Daafaca Manchester United Harry Maguire ayaa xaqiijiyay inuu garoomada ka maqnaan doono muddo dhowr todobaad ah ka dib markii uu ku dhaawacmay kulankii ay barbaraha goolal la’aanta ah la galeen Aston Villa.

Maguire ayaa u muuqday mid dareemaya xanuun daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta waxana lagu badalay xiddiga Matthijs de Ligt.

Waxa uu ahaa kulankii 3-aad ee uu ku bilowday premier League daafaca isaga oo ka dambeeya De Ligt iyo Lisandro Martinez.

“Waan ka niyad jabay in uu dhaawac i soo gaadho kulankii Aston Villa”ayuu Maguire ku soo qoray baraha bulshada.

“Waxa aan garoomada ka maqnaan doonaa dhawr todobaad laakiin waxa aan soo laaban doonaa aniga oo xoogan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here