Man United Oo Si Rasmi Ah U Ogaatay Fursadaha Uu Bruno Fernandes Kaga Qayb Gali Karo Kulanka Newcastle.

0
274

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Bruno Fernandes ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u noqon doono kulanka Newcastle ee Sabtida inkasta oo laga cabsi qabo in uu muddo 2 todobaad ah karantiil galo.

Fursadaha uu xiddigu kaga qayb qaadan karo kulanka Newcastle ayaa shaki la galiyay kadib markii xiddiga ay isku xulka yihiin ee Cristiano Ronaldo laga helay xanuunka Korona xilli la sheegayay in uu Fernandes karantiil gali doono muddo 2 todobaad ah inkasta oo laga waayay xanuunka.

Si kasta ha ahaatee wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in uu Xiddiga Bruno taam u noqon doono kulanka Newcastle ee sabtida.

Wararka ayaa sheegaya in uuna xiddiga 26 jirka ah si aad ah ugu dhawayn xididga ay isku xulka yihiin ee Ronaldo taas oo la macno ah in uu ciyaari doono kulanka Newcastle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here