Man United oo Lambar cusub u xiri doonto Bruno Fernandes..

0
186

Kismaayo(Waamo Radio)-Xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes ayaa Manchester United u xiran doona funaanada Lambar 8-aad oo uu baneeyay xiddiga Juan Mata oo kooxda Man United ka dhaqaaqay.

Xiddiga reer Portugal ayaa ka wareegay No.18 kaas oo uu u xidhan jiray kooxda tan ilaa markii uu ku soo biiray, Fernandes ayaa gacantiisa ku qortay Lambarka No.8  waxana uu xiddigu wixii xilli ciyaareedka cusub ka dambeeya u xidhan doonaa Lambarka No.8.

Xiddiga reer Portugal ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican kooxda Man United isaga oo kooxda u dhaliyay goolal badan oo muhiim ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here