Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Manchester United ayay xogo cusubi sheegayaan inay horumar ka samaysay ku qancinta tababare Zinadine Zidane ee qabashada shaqada tababarenimo ee kooxdeeda balse wali waxa jirta caqabad ay tahay inay ka gudbaan si ay Old Trafford uga dejiyaan.
Wargeyska Daily Record ayaa xusaya in Man United ay hore uga dhaqaaqday doonisteeda isla markaana tababaraha French-ka ahi uu xiisaynayo inuu markale maamulo xiddigaha kala ah Cristiano Ronaldo iyo Raphael Varane.
Si kastaba ha ahaatee, warbixinta Daily Record ayaa intaas ku daraysa in caqabada wali Man United hortaagani ay tahay xaaska Zidane ee Veronique Zidane oo aan ku qanacsanayn aragtida ah inay degaan oo ku noolaadaan magaalada Manchester waxaana ay doorbidaysaa in Zidane sii dheeraysto fasixiisa uu kaga maqan yahay kubadda cagta.
Man United ayaa filanaysay in haysashada Varane iyo Ronaldo ay si weyn u caawin doonto, sidoo kale in Zizou uusan aad ugu fiicnayn luuqada English-ka ayaa dhib kale ku noqonaysa inay la saxeexdaan.
Haddiiba ay awoodi waayaan inay ka dhaadhiciyaan Zidane iyo qoyskiisa aragtida ah inay Manchester soo degaan ayay markale waayayaan tababare weyn iyadoo la xasuusto in Tottenham ay uga hormartay Antonio Conte oo in mudo ah si weyn u sugayay shaqada Man United.