Man United oo Guuldaro xanuun badan kala kulantay Crystal Palace

0
51

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Manchester United ayaa xasuuq iyo bahdilaad kala soo kulantay kooxda Crystal Palace oo ay ku booqatay magaalada London, waxaana ay si rasmi ah u lumisay booskeedii kaalinta toddobaad oo hadda ay si buuxda ula wareegtay kooxda Chelsea oo garab ka heshay guusha xalay ee Crystal Palace.

Crystal Palace ayaa 4-0 ku xasuuqday Manchester United oo si dhab ah u kala daadsanayd, isla markaana si weyn u tebaysay kabtankeeda Bruno Fernandes oo dhaawac kaga maqnaa ciyaartan.

Waxaa goolasha bilaabay xiddiga Michael Olise, waxaana u dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 12-aad wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, Ciyaaryahanka lagu magacaabo John Philippe Mateta ayaa ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 daqiiqadii 40-aad, qeybtii hore ee ciyaarta ayaa sidaasi kusoo dhamaatay.

Qeybtii labaad ee ciyaarta Daqiiqadii 58-aad xidiga Tyreek Mitchell ayaa kooxdiisa hogaanka usii dheereeyey wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0 oo kooxdka Crystal Palace hogaanka uheyso ciyaarta.

Ciyaaryahanka Olise ayaa dhaliyay goolka 4-aad ee Kooxdiisa isaga oo shabaqa soo taaabtay daqiiqdii 66-aad, wixii intaas ka dambeeyey kooxda Crystal Palace ayaa garoonka kubadda marba dhinac usii wadatay.

4-0 ayey ciyaarta kusoo dhamaatay oo ay kooxda Man United la kulantay ceeb iyo fadeexad kasoo gaartay garoonka kooxda Crystal Palace.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here