Man United oo Guuldaro kala kulantay Kooxda Real Madrid

0
124

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Man United ayaa la kulantay guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay wakhti hore dhaliyaan goolka ciyaarta ay ku furayaan, daqiiqadii 6-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ciyaarta waxaana u dhaliyay xiddiga Jude Bellingham.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 oo ay hogaanka ku heyso kooxda Real Madrid.

Gabagabada Kulanka qaqiiadii 89-aad ayey Real Madrid dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddigeeda cusub ee Weerarka Joselu kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaartay guushii 2-aad ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee 2023/24.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here