Man United oo Guul ku Gaartay Garoonkeeda Old Trafford Kana Badisay Aston Villa

0
298

England-(Idaacadda Waamo)- Manchester United guul weyn ka gaartay kooxda Aston Villa ka dib ciyaar xiiso badneyd oo ku Dhamaatay 2-1.

United ayaa 33 dhibcood la wadaagta kooxda kaalinta koowaad ku jirta ee Liverpool kuwaasoo farqiga goolasha hogaanka kaga hayo Kooxda Man United ka dib kulankii xalay oo guul ay ka gaareen kooxda Aston Villa Kadib goolal ay kala dhaliyeen Martial iyo Fernandes ayey guul ku gaareen.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xamaasad leh iyadoo Manchester United ay waqti horeba isku dayaysay inay hogaanka u qabato ciyaarta. Waxay taasi u suuro gashay daqiiqadii   40-aad ee ciyaarta kadib karoos uu garabka midig ka soo dhigay ciyaaryahanka Wan-Bissaka uu dhameystiray xiddiga Anthony Marial.

Image

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay Man United hogaanka ku heysay, Laakiin qeybtii labaad waxaa si carcar leh ku soo gashay Kooxda Aston Villa iyadoo David de Gea uu badbaadiyay fursado goolal loo filan karey .

Daqiiqadii 58aad ayey Kooxda Aston Villa La timid goolka barbaraha ee ay u dagaalameysay kadib Jack Grealish uu kubad qurux badan ka soo shaqeeyay una dhigay xiddiga Traore kaas oo dhaliyey goolkiisii seddexaad ee Premier League xilli ciyaareedkan.

Afar daqiiqo ka dib United ayaa hogaanka mar kale la wareegtay kadib markii Pual Pogba qalad uu ku galay xiddiga Luiz, waxaa rigooradaasi u soo istaagay Bruno Fernandes oo gool u badalay.expanded thumbnail

Weerarka United ayaa ahaa mid isdaba joog ah iyagoo baadigoob xoogan ugu jiray goolka seddexaad si ay ciyaarta u dilaan, halka Kooxda Aston Villa iyagaba ay heleen fursado badan oo waqtigii dhimashada ah balse uu ka badbaadiyey Goolhaye De Gea.

Image

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 oo ay guul ku Gaartay Kooxda Man United oo hogaanka la qabsatay Kooxda Liverpool, United ayaa haatan ah koox si rasmi ah ugu tartameysa hanashada horyaalka iyagoo soo qabtay kooxda difaacaneysa koobka ee Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here