Man United Oo Guul Ka Gaartay Kooxda ay ay Dariska yihiin ee Man City ,

0
304

Kismaayo(Idaacada Waamo) Kooxaha Man United Iyo City ayaa Kulanka ku bilowday Dar-dar oo ay Koox walba ku Dooneysay Iney Goolal kaga Dhaliso Kooxda Kaga soo Horjeedo.

Man United ayaa Goolka Hore Heshay Daqiiqaddii 29-aad Waxaana Dhaliyay Martial ka dib Kubad Free Kick aheyd oo Si Cajiib ah uu usoo Qajaafeeyay Xidiga Bruno Fernandes .

Man United ayaa Nasiinada ugu Dirtay Man City Hal Gool oo Nadiif ah Waxaana Goolka  u Dhaliyey Xidiga Anthony Martial Wuxuuna Kulankaan Ka Tirsanaa Kulamada Wareegga 29-aad ee Horyaalka England Xilli La Joogay Garoonka Kooxda Man United ee Old Trafford .

Qeybtii Hore Ciyaarta ayaa Sidaasi kusoo Gaba-gabowday oo Kooxda Manchester United Hogaanka ay ku Heyso

Qeybtii Labaad ee Ciyaarta ayaa bilaawatay ayadoo si dar-dar leh ay ku bilaawatay waxaana labada kooxood ay doonayaa iney mid walbo guul gaarto , Kooxda Man City Waxay Dooneysay iney Goolka lagu Leeyahay iska Keento Halka Kooxda Man United ay Dooneysay iney Hogaanka Horyaalka Sii Dheereysato .

Daqiiqadii 69-aad , kooxda Man United ayaa gool si dirqi ah looga bad baadiyay waxaana bad-baadiyey Goolhayaha Kooxda Man City Kadib Kubad uu Si Xooggan ugu Soo Laaday Xidiga Daniel James Kaasi oo Kubad Rogaal Celis ah Lasoo Baxsaday

Kooxda Man City ayaa Ku Dhawaaneysay Goolal Waxaana Daqiiqaddii 74-aad ay Ku Sigteen Gool Balse Waxaa Si Cajiib ah uga Bad-baadiyay Goolhaye Devid De Gea , Balse Guud ahaan Dadaalka Kooxda Man City Waxaa Hor Taagnaa Daafaca United oo Isku Duubni Muujinaayey.

Ugu Dambeyn Kulanka Ayaa Daqiiqadihii ugu Dambeeyey ayuu waji kale sii yeeshay waxaana Goolka Labaad ee ciyaarta la yimid Kooxda Garoonkeeda lagu ciyaarayey ee Man United Waxana ay Ka faa’iideysteen qalad uu galay Goolhayaha Kooxda Man City xilli  Daqiiqadu ay Mareysay Daqiiqadii 95-aad ee Watiga Dheeriga Waxaana Goolka Man United U Dhaliyey Xidiga Khadka Dhexe ee Scott McTominay ,

Waxaana Sidaasi Kusoo Gaba-gabowday Ciyaarta oo Manchester United ay Guul 2-0 ah Kaga Gaartay Kooxda Ay Dariska yihiin ee Manchester City.

Image

ImageImageImage

ImageImage

ImageImage

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here