Kooxda Man United oo Garaacday Kooxda Burnley 

0
179

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Man United ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Burnley kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa wareega 16-ka Caraboa cup-ka.

Red Devils ayaa iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka tartanka kadib markii ay u awood sheegatay kooxda Burnley.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Man United ku fiicantahay dhinac walba xilli ay doonayeen in ay dhaliyaan goolal wakhti hore ah.

Goolal ay kala dhaliyeen Christian Eriksen iyo Marcus Rashford ayay Red Devils guusha ku xaqiijisatay.

Tababare Erik ten Hag ayaa ku soo bilaabay qaar ka mid ah xiddigihiisa ka qeyb galay Koobka Adduunka sida Casemiro, Marcus Rashford, Fernandes iyo Christian Eriksen iyadoo Casemiro laga ciyaarsiiyay booska daafaca dhexe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here