Man United oo dhageysaneysa dalabaadka u imaanaya sagaal ka mid ah xiddigaheeda safka koowaad

0
257

Manchester(Idaacadda Waamo)-Wargeyska ESPN qaybtiisa Ingiriiska ayaa sheegay inay Manchester United dhageysan doonto dalabaadka u imaanaya sagaal xiddig oo ka ka tirsan safkeeda koowaad suuqa xagaagan.

Majaladda ayaa xustay magacyada Jesse Lingard, Brandon Williams, Diogo Dalot, Alex Telles, Phil Jones, Andreas Pereira, Daniel James iyo Anthony Martial kuwaasoo dhammaantood suuqa la dhigay isla markaasna Man United ay dhageysan doonto dalabaadka u imaanaya.

Sidoo kale waxaa siddeeda sare sagaal ku noqonaya midkood goolhayeyaasha kala ah Dean Henderson ama David De Gea kuwaasoo loo ogolaan doono inay baxaan, waxaana loo badinayaa inay Red Devils daneyneyso dalabaadka amaahda ah.

Dhinaca kale, Kooxda ku ciyaarta garoonka Old Trafford ayaa bisha soo aaddan go’aan kama dambeys ah ka gaari doonta mustaqbalka Paul Pogba kaasoo lala xiriirinayo naadiga Paris Saint-Germain.

Kubbad qaabeeyaha xulka qaranka Faransiiska ayaa galay sanadkii ugu dambeeyay qandaraaskiisa iyadoo aysan jirin wax saan-saan ah oo ku aaddan inuu qandaraaska kordhin doono, sidaas darteedna Manchester United ayaa kala dooran doonta inuu bilaash kaga tago xagaaga dambe ama inay haatan iibiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here