Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Manchester United ayaa u weecday Emi Martinez iyagoo isku dayaya inay xaliyaan mashaakilkooda goolhayahooda.
Andre Onana ayaa ku guuldareystay inuu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo labadii sano ee uu ku sugnaa Old Trafford tan iyo markii uu ka yimid Ajax, taasoo keentay in la isla dhex maro mustaqbalkiisa.
Baahida loo qabo in United ay ka shaqeyso suuqa kala iibsiga waxaa sii xoojisay Onana oo dhaawac muruqa ah ka soo gaaray tababarka horaantii bishaan.
Taasi waxay meesha ka saartay 29-sano-jirku inuu ka maqnaado safarkii United ee isku diyaarinta xilli cigaareedka cusub.
Daily Mail ayaa ku warameysa in Onana sidoo kale la filayo inuu seego bilowga xilli ciyaareedka Premier League, United ayaana u aqoonsatay Martinez bartilmaameed muhiim ah.
Waxaa la sheegay in wadahadalo gudaha ah la qabtay dhamaadkii isbuucaan ee ku saabsan saxiixa Martinez amaah, in kasta oo loo arko inay tahay mid aan macquul aheyn in Aston Villa ay ogolaato taas.
Kooxda Aston Villa ayaa Martinez ku qiimaysa lacag dhan 40 milyan oo euro waxaana uu qandaraaskiisu dhacayaa ilaa 2029, sidaas darteed kooxdu waxay ku jirtaa meel adag haddii ay jiraan dalabyo.
32 jirka reer Argentine ayaa sidoo kale seegi doona bilowga ololahan, ka dib markii uu casaan qaatay kulankii United maalintii ugu danbeysay ee xilli ciyaareedkii hore xilli Villa ay seegtay u soo bixitaanka Champions League.