Man United oo Boodhka Ka Jafatay Rikoor ay 9 Sano Ka Hor Ku Dhigtay Kooxda Arsenal.

0
213

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Man United ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa todobaadkii 6-aad ee horyaalka premier League.

Goolal ay dhaliyeen Antony iyo Marcus Rashford (2) ayaa Man United ka caawiyay in ay guul muhiim ah ka gaadho kooxda Arsenal kulan ka tirsanaa premier League.

Kooxda Man United ayaa guushii 2-aad oo xidhiidh ah ka gaadhay Arsenal marka ay ku ciyaarayso garoonkeeda Old Trafford horyaalka premier League.

Kadib guushaas Man United ayaa markii 2-aad oo xidhiidh ah Arsenal ku garaacday Old Trafford markii ugu horaysay tan ilaa sanadkii 2013.

Man United ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku dhibaatoonaysay kulamada Arsenal ee garoonka Old Trafford iyada oo aan kulamo badan kaga badin garoonkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here