Man United Oo Bilawday Wadahadalka Saxeexeeda Ugu Horreeya Ee Suuqa January

0
97

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Manchester United ayaa u muuqata mid dooratay saxeexa ugu horreeya ee ay ka samaynayso suuqa January waxayna u arkaan garabka weerar ee kooxda PSV ee Cody Gakpo.

Sida lagu sheegay il-wareedka GiveMeSport, kooxda tababare Erik Ten Hag ayaa diyaar u ah inay 40 Milyan oo pound ka bixiso saxeexa Gakpo, warbixinta ayaa sheegaysa in PSV aqbali karto lacag intaas ka hoosaysa balse aysan doonayn inay gorgortan badan oo wakhti kaga dhaco galaan.

Gakpo oo ahaa hoggaamiyaha kooxdiisa sanadihii ugu dambeeyay ayaa markale masraxa ugu weyn kubadda cagta oo Koobka aduunka ah isku soo muujiyay isagoo saddex gool usoo dhaliyay Netherlands.

23 sano jirkaas ayaa Man United lala xidhiidhinayay suuqii xagaaga balse markaas ayay ka doorbideen Antony Santos maadaama ay garab midig u baahi badnaayeen.

Haatan bixitaanka Cristiano Ronaldo oo kooxdu wadajir heshiiskiisii ula kansashay ayaa soo dedejiyay inay wadahadalo la furaan PSV oo ay Gakpo ka dalbadaan,

Cody Gakpo ayaa asal ahaan garab bidix ka ciyaara balse sidoo kale dheeli kara doorka No.9 oo ahaa halkii uu xulka Dutch-ka Koobkii aduunka ku metelayay.

Man United ayaa inay suuqa qaboobaha la saxeexato Gakpo kaga badbaadi karta tartan adag oo ay saxeexiisa u gasho xagaaga dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here