Kulanka ayaa ahaa Mid ay Man United ahayd kooxda fiican iyaga oo maamulayay ciyaarta kana fiicnaa kooxda Sevilla kuwaas oo aan u muuqdan kuwo fiican.
Man United ayaa gool wakhti hore ah ku hor martay waxana u dhaliyay xiddiga Jadon Sancho laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray.
Daqiiqadii 14-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Marcel Sabitzer kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Daqiiqadii 21-aad ayay dhalisay Man United goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Marcel Sabitzer kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United 2/0 ugu raaxaysanayso ciyaarta isla markaas ahayd kooxda ugu cad-cad in ay badiso kulanka.
Man United ayaa qaybta dambe ahayd kooxda fiican marka laga yimaado 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ee ciyaarta oo ay Sevilla wacdaro la soo baxday.
Daqiiqadii 84-aad ayay Sevilla heshay gool laakiin waxa si khaldan isaga dhaliyay daafaca Tyrell Malacia kaas oo rajo siiyay kooxda Sevilla.
Daqiiqadii 90+2-aad ayay Sevilla dhalisay goolka 2-aad waxana mar kale khalad isaga dhaliyay daafaca Man United ee Harry Maguire kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United bar-baro la gashay Sevilla inkasta oo ayna kooxda reer Spain wax gool ay dhalin.