Man United Oo 70 Milyan Ginni Ku Dooneysa Jadon Sancho & Man City Oo Boqolkiiba 15 Qaadaneysa Lacagtaas

0
471

Manchester United ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqeysa soo xerogelinta xiddiga aadka loo qiimeeyo ee Borussia Dortmund Jadon Sancho sida ay qortay jariirada The Sun.

Kooxda Red Devils ayaa dooneysa inay 70 milyan ginni ku soo xerogeliso xiddiga garabka ka ciyaara ee 18 jir ah, iyadoo heshiiskaas uu noqon karo mid muran dhaliya madaama uu Sancho waqti ku soo qaatay dersikooda Manchester City.

Xiddiga Ingariiska ayaa ku raaxeysanaya waqtigiisa Jarmalka tan iyo markiii uu Borussia DOrtmund ugu biiray heshiis 8 milyan ginni ah sannadii 2017.

Sancho ayaa labo sannadood iyo bar ku qaatay akadeemiga Manchester City ka dib markii uu uga soo biiray Watford.

Waxa uu saftay 12 kulan isagoo dhaliyay hal gool xilli ciyaareedkii hore islamarkaana sameeyay afar caawin.

Xilli ciyaareedkan waxa uu dhaliyay sideed gool isagoo sameeyay 10 caawin 28 kulan uu saftay.

Sancho oo 19 jir noqonaya bisha danbe ayaa ku riyaaqaya noloshiisa Jarmalka halkaasoo uu geesi u noqday taageerayaasha Dortmund laakiin inuu u dhaqaaqo koox weyn sida Manchester United ayaa ah mid uusan diidi karin.

Haddii ay Dortmund dalab ka aqbasho koox kale, waa inay ogeysiiyaan Manchester City kuwaasoo fursad loo siinayo inay barbareeyaan dalabkaas haddii ay doonayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here