Manchester Cty ayaa hanatay markii labaad oo xiriir ah horyaaalka Premier League, kaaddib markii ay guul soo laabasho ah cajiib ah kaga gaaray Aston Villa 3-2, kulankoodii ugu dambeeyay horyaalka xilli ciyaareedkan.
Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaaminyay kooxda martida ahayd ee Aston Villa.
Daqiiqadii 37-aad kooxda Aston Villa ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay laacibkooda M. Cash kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis L. Digne.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
69 daqiiqo kooxda Aston Villa ayaa dhalisay goolkeeda labaad waxaana 0-2 ka dhigay Coutinho oo caawin ka helay saaxiibkiis Watkins.
Daqiiqadii 76-aad Manchester City ayaa dhalisay gool waxaana 1-2 ka dhigay ciyaarta I. Gundogan kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis R. Sterling.
78 daqiiqo Rodri ayaa dheesha k dhigay garbo siman 2-2, waxaana goolkan ka caawiyay O. Zinchenko.
Gundogan oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis K. De Bruyne ayaa daqiiqadii 81-aad wuxuu hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester City, uxuuna ciyaarta ka dhigay 3-2.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-2 ay kaga adkaatay Manchester City kooxda Aston Villa oo marti ugu ahayd garoonka Etihad, City ayaa loo caleemo saaray ku guuleysiga koobka horyaaalka Premier League xilli ciyaareedka 2021/22, kaddib markii ay uruursatay dhibco dhan 93 dhibcood.