Man City oo u gudubtay wareega Afarta tartanka FA Cup kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Everton

0
272

Liverpool(Idaacadda Waamo)-Manchester City ayaa u gudubtay wareega Afarta tartanka FA Cup kaddib markii ay kaga adkaatay kooxda Everton 0-2, kulan qeyb ka ahaa wareega siddeeda ee tartanka FA Cup.

Qeybta hore ee kulnka siddeed dhamaadka tartanka FA Cup-ka ayaa waxay ku kala nasteen labada kooxood Everton iyo Manchester City barbadhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

90+1 Kevin De Bruyne oo caawin ka helay saaxiibkiis Rodri ayaa ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-2 ay Manchester City kaga soo adkaatay kooxda Everton oo ay ku booqatay garoonka Goodison Park, City ayaa u gudubtay wareega xiga Afar dhamaadka ee tartanka FA Cup.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here