Man City oo iska xaadirisay wareega shanaad ee FA Cup-ka kaddib markii ay si sahlan guul kaga gaartay Fulham

0
225

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Man City ayaa iska xaadirisay wareega shanaad ee koobka FA Cup-ka kaddib markii ay si sahlan guul kaga gaartay kooxda Fulham oo ay kaga adkaatay 4-1, kulankii wareega afaraad ee tartankan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 4-aad kooxda kubadda cagta ee Fulham ayaa hoggaanka u qatabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay laacibkooda Fabio Carvalho kaddib markii ay caawin kaga timid Harry Wilson.

6 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Manchester City ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay I. Gundogan oo caawin ka helay saaxiibkiis R. Mahrez.

Manchester City ayaa daqiiqadii 13-aad hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 2-1 ka dhigay J. Stones, iyadoo caawinta goolkan loo diiwaan galiyay K. D. Bruyne.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 53-aad Manchester City ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay laacibkooda R. Mahrez, dheesha ayaa waxay sidaas ku noqotay 3-1.

Riyad Mahrez oo caawin ka helay saaxiibkiis K. D. Bruyne ayaa daqiiqadii 57-aad wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxda Manchester City, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 4-1 ay kaga adkaatay Manchester City, kooxda Fulham oo martiugu ahayd garoonka Etihad, City ayaa u gudubtay wareega shanaad ee koobka FA Cup-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here