Man City oo guul ka soo heshay kooxda Wolverhampton oo ay ku booqatay Molineux Stadium

0
289

England(Idaacadda Waamo)-Manchester City oo guul ka soo heshay kooxda Wolverhampton oo ay ku booqatay Molineux Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester City.

Daqiiqadii 20-aad Manchester City ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay Kevin De Bruyne.

Phil Foden ayaa daqiiqadii 31-aad ee ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Raheem Sterling.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 78-aad Wolverhampton ayaa la timid gool, waxaana ciyaarta 1-2 ka dhigay Raul Jimenez, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Daniel Podence.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here