Man City oo garoonkeeda Etihad guul weyn kaga gaartay kooxda Wolverhampton

0
261

Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad guul weyn kaga gaartay kooxda Wolverhampton, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-1, waxayna City gaartay 21 guul xiriir ah, xilli kulankan uu qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 15-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu gool iska dhaliyay xiddiga naadiga Wolverhampton ee Leander Dendoncker, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 1-0 ay ku hoggaamineysay City.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

61 daqiiqo marka ay dheeshu mareysay kooxda Wolverhampton ayaa la timid goolka barbardhaca kaddib markii 1-1 ka dhigay xiddigooda Conor Coady oo caawin ka helay saaxiibkiis Joao Moutinho.

Daqiiqadii 80-aad kooxda Manchester City ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 2-1 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Gabriel Jesus.

90 daqiiqo marka ay dheeshe mareysay Riyad Mahrez ayaa hoggaanka u sii dheereeyay kooxda Manchester City, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-1.

Daqiiqadii 90+5 Manchester City ayaa si toos u niyadjabisay kooxda Wolverhampton, kaddib markii uu Gabriel Jesus ciyaarta ka dhigay 4-1.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4-1 oo ay Manchester City kaga adkaatay kooxda Wolverhampton oo marti ugu aheyd garoonka Etihad, City ayaa sii dheereysatay hoggaanka kala sareynta horyaalka kaddib markii ay uruurstay 65 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here