Man City oo garoonkeeda Etihad guul ay u qalantay kaga qaadatay kooxda Newcastle United

0
266

Manchester(Idaacadda Waamo)-Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad guul ay u qalantay kaga qaadatay kooxda Newcastle United, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Ingiriiska.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.

Daqiiqadii 14-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Ilkay Gundogan, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay Raheem Sterling.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

55 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Manchester City ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta kaddib markii uu 2-0 ka dhigay laacibka reer Spain ee Ferran Torres.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-0 oo ay Manchester City kaga adkaatay kooxda Newcastle United oo marti ugu aheyd garoonkeeda Etihad, Sky Blue ayaa fadhida booska Shanaad ee dhanka miiska kala sareynta kaddib markii ay uruursadeen 26 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here