Man City oo dalab ka gudbisay saxiixa Lucas Paqueta 

0
241

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Man City ayaa dalab 70 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda West Ham ee Lucas Paqueta sida ay sheegayaan wararka ka imanay wadanka Brazil.

West Ham ayaa lagu soo waramayaa in ay diidantahay in ay iibiso xiddiga reer Brazil waxana la filayaa in ay dalbato lacag ka badan 70 milyan oo euro, Lucas Paqueta ayaa kaliya hal xilli ciyaareed ku qaatay Premier League kadib markii ay West Ham 53 milyan kula soo wareegtay xiddiga.

Lucas Paqueta ayaa dhaliyay 4 gool xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee premier League waxana uu door weyn ka ciyaarya ku guulaysigii West Ham ee koobka Europa Conference League.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda West Ham dalban doonto lacag dhan 105 milyan oo euro oo ah lacagta ay West Ham horay ugu iibisay Declan Rice.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here